Ciidamada DF oo sheegay iney gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan AL-shabaab oo weerar kusoo qaaday

8

Ciidamada booliska gaar ahaan kuwa Haramcad ee dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab  ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha  Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Bar koontarool oo Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi, gaar ahaan halka laga ilaaliyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhowr mar ay AL-shabaab weerar kusoo qaadeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ah ee Haramcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha AL-shabaab, isla markaana uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo AL-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen gaari iyo saddex kamid ah xubnihii weerarka ku soo qaaday Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Barta koontarool ee ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaana intaas kadib howlgal ka bilaabay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho kaas oo ay ku xaqiijinayaan amaanka guud ee deegaanka oo dhowr mar oo hore ay ka dhaceen falal lidi ku ah amniga.