Maxay ka wada hadleen madaxweynaha Galmudug iyo diplomaasiyiin ka socda dowladda Norway?

1

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulan khadka Mareegta ah la qaatay diplomaasiyiinta dowladda Norway sida Ergeyga Gaarka ee arrimaha Soomaaliya, Danjiraha iyo Qunsulka iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ka socday dowladda Norway ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo dardargelinta arrimaha doorashooyinka oo heshiis laga gaaray khilaafkii ka taagnaa.

Sidoo kale, waxay si gaar ah uga wada hadleen  howlaha kala duwan ee Norway ka taageerto dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kulamo kala duwan waxa uu la qaadanayaa xubno ka tirsan beesha caalamka tan iyo markii heshiis rasmi ah laga gaaray arrimaha doorashooyinka.