Wasiirka arrimaha dibadda Israel oo booqanaya Imaaraadka Carabta

4

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israel Yair Lapid ayaa booqan doona dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta, waana booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah islamarkaana heer wasiir ah tan iyo markii labada dal ay ku heshiiyeen in ay caadiyeeyaan xiriirkooda diblumaasiyaseed, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigtaya xafiiska wasiirka.

Israel, UAE, iyo Bahrain ayaa bishii September caadiyeeyay xiriirkooda, iyadoo dowladda Israel ay sidoo kale kula heshiisay laba dal kale oo carbeed oo kala ah Morocco iyo Sudan in ay iyana xiriir dublumaasiyadeed yeeshaan.

“Wasiirka arrimaha Dibadda, Yair Lapid ayaa sameynaya booqashadii ugu horreysay islamarkaana taariikhi ah oo uu si rasmi ah wasiir arrimo dibadeed Israeli ah ku tago Imaaraat-ka,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xafiiska wasiirka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in booqashadan labada cisho ah oo uu wasiirku ku tagayo Imaaraat-ka 29-ka iyo 30-ka bishan ah, uu martigelin doono wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraat-ka, Sheikh Abdullah bin Zayed al-Nahyan.

Wasiiro ka tirsan Israel ayaa horey u booqday Imaaraat-ka, laakiin Lapid ayaa ah kan ugu darajada sarreeya ee booqan doona dalkan, islamarkaana ay booqashadiisu tahay mid rasmi ah.