Doorasho ka bilaabatay dalka Itoobiya ayadoo amaankana aad loo adkeeyay.

6

Dadka wadanka Itoobiya ayaa maanta u dareeray goobaha
codbixinta ayagoo soo dooranaya r/wasaare iyo baarlamaan dalkaasi uu
yeesho.
R/wasaare Abii Axmed oo musharaxiinta ka mid ah ayaa la kulmaya culays
siyaasadeed oo xoog leh ayadoo la xasuusanyahay in dagaalkii ka dhacay
gobolka Tigreega sanadkii hore kaasoo ka bilawday doorashada oo
sanadkaas dib u dhacday.
Dadka codaynaya oo gaaraya 38 million oo qof ayaa soo dooranaya 547
mudane oo xildhibaano heer federal ah waxaana laga codeyneyn maanta
gobolka Tigreega iyo gobolo kale.
Musharaxiin ka socota illaa 40 xisbi siyaasadeed ayaa dorashadaan ka qeyb
galaya inkastoo ay sheegeen inay wax badan tabanayaan.
Amniga magaalooyinka doorashadu ka dhacayso ayaa aad loo adkeeyay
waxaana ciidamo fara badan la dhigay inta badan wadooyinka magaalada
caasimada ah ee Addis-Ababa.
Wareeg kale oo doorashadaan oo kale ah ayaa la qorsheeyay inay qabsoonto
6 bisha September ee sanadkaan waxaana ay ka dhacaysaa degmooyinka ay
maanta doorashada laga aadin sida guddiga maamulaya doorashada Itoobiya
sheegay.