Lafta-Gareen Oo Balan Qaaday Inay Furayaan Waddooyin Ay Xireen Al-Shabaab

1

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu Caleemo-saarayay Golaha deegaanka iyo Guddoomiyaha cusub ee degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Madaxweyne Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa waxaa uu sheegay in Waajid loo dhisay Gole deegaan oo uusan ka jirin khilaaf, isla markaana xubnaha Golaha ay doorteen Guddoomiye iyo ku-xigeeno.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqay Golaha cusub inay ka shaqeeyaan horumarinta degmada Waajid ee Gobolka Bakool iyo dhinaca amniga, isla markaana xusay in Golaha ay horyaalan shaqooyin farababadan oo looga baahan yahay inay qabtaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay inay furi doonaan wadada isku xirta Waajid iyo Magaalada Baydhabo oo ay go’doomiyeen Al-shabaab oo halkaas ku sugan.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale ayaa Carabka ku dhuftay inay qorsheynayaan inay furaan wadada isku xirta degmooyinka Waajid iyo Xudur, isla markaana sheegay in dhaqsiyaha badan ay u bilaabi doonaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Munaasabada lagu Caleemo-saarayay Golaha deegaanka cusub ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Cadaalada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo dadweyne farabadan.