Madaxweynaha Iran oo si kulul uga hadlay arrimaha Nukliyeerka

5

Madaxweynaha la doortay ee Iiraan, Ebrahim Raisi ayaa sheegay in heshiiska nukliyeerka ee 2015 uusan xaddidi doonin siyaasadda arrimaha dibadda ee Iiraan. Shir jaraa’id oo uu qabtay, ayuu Raisi ku sheegay in danaha dadka Iiraan aanan lagu xiri doonin heshiiskaas.

Wuxuu sidoo kale ku adkeystay in barnaamijka hubka ee Iiraan “uusan gorgortan”. Gelin.

Heshiiska nukliyeerka ayaa qarka u saarmay inuu burburo tan iyo markii Mareykanka uu isaga baxay isla markaana uu cunna qabateyn ku soo rogay Iiraan saddex sano kahor.

Raisi, oo ah wadaad mayal adag oo Shiico ah isla markaana madax ka ah garsoorka Iiraan ayaa waxay aad isugu dhow yihiin Hoggaamiyaha Ruuxiga Ayatollah Ali Khamenei. Wuxuu ku guuleystay doorashadii Jimcihii dhacday isgaoo helay 62% wareeggii hore ee codbixinta.Article share tools