Ciidamada AMISOM oo baneeyay saldhig ku yaala Sh.Hoose

12

Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Marin Gubaaye ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM.

Dhanaca kale, ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda ka socda Uganda ay isaga baxeen saldhigga deegaanka Marin Gubaay ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay sheegtay in sababta ay uga baxeen ay tahay aag beddelasho ciidan.

Saldhigan ayaan u jira 40km magaalada Baraawe, oo katirsa gobolka Shabeelada Hoose.