Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddi

15

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa shir Guddoomiyay kulanka 4-aad ee kal-fadhigiisa 48-aad oo Maanta ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 45 Xildhibaan oo ay kamid ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo labaad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbxixinta Guddiyada Arimaha gudaha, Dawlaha hoose iyo horumarinta Reer miyiga iyo Shuruucda iyo Caddaalada ee Golaha Wakiilladda.

Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin, lana socdaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.