Itoobiya oo diiday inay la macaamisho wakiilka Reer Yurub

4

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday diidmadeeda ku aadan la macaamilka ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Itoobiya, kadib markii Wasiirka arrimaha dibadda Finland  uu booqday Itoobiya, kaasi oo warbixin siiyay baarlamaanka Yurub.

Bayaan ka soo baxay  Xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu dhaleeceyay hanaanka wakiilnimo sarkaalka reer Yurub ay u wakisheen doorashooyinka Itoobiya.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhamaan dhinacyada isku haya gobolka  Tigre ay sameyeen falal xadgudub ah, iyagagoo xusay in eedda inteeda badan ay leeyahiin ciidamada Itoobiya iyo Eriteriya oo loo haysto go’doomin iyo kufsi wadareed.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa bilaabay olole ay ciidanka federalku kuqaadayaan gobalka Tigre si ay hubka uga dhigaan hogaamiyaasha Jabhadda Xoreynta Shacbiga Tigre, isagoo ku eedeeyay kooxdan inay weeraro ku qaadeen xeryaha ciidanka.

Intii ay socdeen hawlgallada Ciidamada federaalka waxaa taageero ka heleen Ciidamada Ereteriya iyo xoogaga gobolka Amxaarada Itoobiya, oo soohdin la leh Tigray-ga, kadib markii Ciidamada ay qabsadeen magaalada Mekele.

Ciidamada Eriteriya ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen gaboodfallo ka dhan ah shacabka Tigre, oo ay ka mid yihiin xasuuq, kufsi, dhac, iyo kuwo kale, Amnesty International iyo Human Rights Watch, ayaa xustay in ciidamadani ay boqolaal rayid ah ku dileen magaalada Aksum.

Wakaaladda Wararka Faransiiska, ayaa sidoo kale diiwaangelisay xasuuq la sheegay in ciidamada Ereteriya ay ka geysteen magaalada Dongolat intii ay socdeen dagaaladii ka socday gobalkaTigre.