Wafdi Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Maanta Gaaray Cadaado

5

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta safar dhinaca dhulka ku gaaray Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar Alcadaala) iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wasiir Alcadaala oo arroornimadii hore ee saakay kasoo ambabaxay Gaalkacyo ayaa waxaa gudaha Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Maamulka degmada, Odayaal iyo dadweyne farabadan

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa inta uu Cadaado joogo kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Maamulka, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyaradda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Maamulka iyo Bulshada kala hadli doona sagoo arrimo ku saabsan sidii ay bulshadda iyo Dowladda oo wada jira ay iskaga kaashan lahaayeen Amaanka iyo horumarka dalka.

Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh ayaa maalmo kahor gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, isagoona halkaas ka dhagax dhigay Mashaariic horumarineed oo la doonayo in laga hirgeliyo halkaas.