RW Rooble oo magacaabay xubanaha guddiyada doorashada

10

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa dib u magacaabay xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka Heer Federaal oo ka kala kooban 25 xubnood iyo 21 xubnood.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay guddiyadan oo ay hore u soo gudbiyeen dhammaan dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Guddiyadan ayaa xubno kamid ahaa waxaa hore cabasho ka soo gudbiyay Golaha Midowga Musharixiinta, taasi oo keentay in isku-shaandheyn ka dib la magacaabo.

Hoos ka akhriso