Laamaha Amniga Dowladda Oo Gubay Khamri Laga Keenay Kenya Iyo Itoobiya

10

T

Laamaha amniga ee Degmada Dolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa Maanta goob fagaare ah ku gubay Maandooriye farabadan oo isugu jiray khamri iyo xashiish la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo degmadaas.

Ciidanka Booliska iyo kuwa nabadasugida dowladda Federaalka ee Dolow ayaa ku guuleystay inay qabtaan maandooriyeyaasha oo la tilmaamay in laga kala soo gudbiyay dhinaca dalalka Kenya iyo Itoobiya gaar ahaan Mandheera iyo Dolo-Addo.

aliyaha ciidanka Booliska Degmada Dolow Gashaanle Dhaxe Xuseen Aadan Dhaqan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in talaabo laga qaadi ah dadka doonayay in gudaha degmada soo geliyaan maandooriyeyaasha la qabtay.

Taliye Xuseen ayaa laamaha dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo faray inay soo qabtaan cid kasta oo isku dayda inay dalka soo geliso maandooriye, isla markaana laga soo gudbiyo dalalka deriska ee Kenya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Dolow ee dowladda Cali Faarax Mire ayaa u mahadceliyey laamaha amniga qeybahooda kala duwan ee ka hortegay maandooriyeyaasha isugu jiray khamri iyo xashiishka, waxaana goobta lagu gubaayay maandooriyaha ku sunaa Saraakiil Ciidan, Guddoomiyaha degmada iyo xubno kale.