Soomaaliya iyo Itoobiya oo wada saxiixday heshiis cusub

6

Dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ganacsi oo ku qotoma isdhaafsiga wax-soosaarka labada dalka sida Jaadka iyo Kalluunka.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeyisiga iyo Kheyraadka badda, wasiirka Gaadiidka, Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya iyo ganacsato ayaa ka qeyb xaflad ka dhacday Garoonka oo lagu saxiixay hesiiska ay gaareen labada dal.

Heshiiskan ayaa ganactada labada dal u oggollaanaya in ay badeecadooda sida Jaadka Itoobiya iyo Kalluunka Soomaaliya is-dhaafsadaan.

Dhinaca kale, Shixnadii ugu hoorreysay ee Kalluun ah oo dhan 5000 oo tan ayaa maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoona lagu qaaday diyaaradda Ethopian Airline.