DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Shabeellada dhexe.

5

Saraakiisha Milatariga Soomaaliya, ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ka dhaca shabeellada dhexe lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo dagaalameyaashii la socday.

Afhayeenka ciidamada xoogga dalka Korneyl Cali Xaashi ayaa sheegay in hawlgalkaas laga fuliyay tuulada Jalable ee Gobolka Shabeellada dhexe, islamarkaana lagu dilay horjooge Jaamac Dheere iyo 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Horjooge Jaamac Dheere ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhadda Gobolka Shabeellad dhexe, sida ay sheegeen Miltariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa hawlgalkaas lagu dhaawacay ilaa 24 xubnood oo ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee SONNA.

Waxa xusid mudan in aysan jirin cid kale oo xaqiijisay warkan, iyadoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin.