Afduub loo geysanayo Soomaalida ku nool Kenya

10

Saacadihii lasoo dhaafay dalka Kenya waxaa ku sii xoogaysanaya beegsiga soomaalida, kuwaa  loo malenayo burcad ay u geysanayaan  afduub, jardil iyo dil, iyadoo xaaladan ay abuurtay walaac xoogan.

Qaar kamid ah Soomaalidii la afduubay ayaa maydadkooda siyaabo kala duwan looga helay meelo kamid ah kenya halka kuwa kale muuqaalo laga arga gaxo laga soo duubay kadibna eheladooda loo soo diray iyadoo la waydiisanayo lacago madax furasho ah oo saacado gudahooda,  taasi oo gaareysa 40 ilaa 50 kun oo Doolar.