Galmudug oo soo gudbisay xubnaha guddiga doorashada ee laga bedeley xubnihii hore

2

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay.

Xubnaha la soo bedelay ayaa ah affar xubnood oo ku jira guddiyada doorasho Heer Federaal, heer Goboleed iyo xubin Xalinta Khilaafaadka ah.

Xubnaha Guddiga SEIT

1- Yaxye Cismaan Geedi

2- Mahad Cabdullahi Maxamud

3- Xaawo Aadan Yare Culusow

Guddiga Xalinta Khilaafaadka

1- Ayaan Cabdiraxmaan Maxamuud

Hore waxaa xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya loogu soo gubiyey xubno ka tirsan guddiyada doorashada kuwaas oo ay soo gubiyeen qaar kamid ah maamulada dalka iyo gudoonka Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya