Wasiirka amniga Galmudug oo kulan la qaatay qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka

10

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo maanta si fool ka fool ah uga qeybgalay shirka saddex biloodlaha ah ee dhexmara deeq bixiyaasha caawiya barnaamijka “Joint Police Programme- JPP”, hey’adaha UN-ka, wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka iyo Wasaaradaha amniga dawlad goboleedyada Soomaaliya.

Shirka ayaa wasiirka Amnigu soo bandhigay baahiyada kala duwan iyo mashaariicda dhowaan la filayo in laga hirgeliyo Galmuduy ee la isku waafaqay sida: dhismaha saldhigyo Booliis, gaadiidka ciidamada Booliska iyo tababarka dufcadda koowaad ee ciidamada dawlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wasiirku wuxuu soo bandhigay baahiyada la xiriira tayaynta ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo qalabayntooda. Shirka ayaa dawlad goboleed kasta iyo Dawladda Federaalka ah ay soo bandhigeen baahiyada dhinacyadooda ka jira,