Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la qaatay 17-ka xubnood ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa

18

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay 17-ka xubnood ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo ay hoggaaminayaan maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee ay maanta iska dhex doorteen.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo madaxweyne-ku-xigeenku, ayaa qaabilay xubnaha golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa oo doortay Maayar iyo ku-xigeen, waxa uu si guud u hambalyeeyey mudaneyaasha cusub ee goleyaasha deegaanka dalka loo doortay, isaga oo si gaar ah u carrabaabay maayarka iyo ku-xigeenka caasimadda Hargeysa ee loo doortay,“Dhammaanba qaranka oo dhan goleyaasha deegaanka ee soo baxay waan hambalyeynayaa, kuwa caasimaddana maaddaama oo aad ii dhawdihiin waan idin hambalyeynayaa, maayarka iyo ku-xigeenka la doortayna waan hambalyeynayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi waxa uu ku adkeeyey inay isku duubnaadaan, kana dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf gelin kara, waxana uu yidhi,“Sidaa aad u wada socotaan ee quruxda badan oo qalbiga ah baa la idinka rabaa, 17-kiinnaas baa xilkii caasimadda Hargeysa la saaray, dadku way idiin codeeyeen, way idiin soo daaleen, rejo badan bayna idinka qabaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale xubnaha golaha deegaanka ku bogaadiyey isku-duubnidooda iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen, isaga oo ka codsaday inay u midoobaan hawlaha adag ee horyaalla iyo filashada shacabkii soo doortay maskaxdooda ka guuxaysa.

Madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, xoghayaha gobolka iyo xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa madaxweynaha kulankan ku wehelinayey.