R/wasaare Rooble oo Galmudug ka dalbaday inay soo gudbiso guddiga doorashada

23

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka dalbadey Madaxweynaha Galmudug inuu soo gudbiyo guddiga doorashada.

Sida uu ku sheegay warbixin uu soo saarey afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahim “Macalimuu”, GalMudug waa maamul goboleedka kaliya ee aan soo gudbin guddigiisa doorashada.

Maamulada kale ee Soomaaliya ayaa soo gudbiyey guddiga doorashada ugga qeyb galaya.

Doorashada Soomaaliya ayaa dib uga dhacdey marar kala duwan xiligii looggu tala galey iney qabsoonto, kadib markii ay isku fahmi waayeen qeybaha kala duwan ee ay quseyso.