Puntland oo ciidamo hor-leh gaysay gobolka Sanaag

6

Dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta ciidamo booliis ah oo hor-leh geysay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Afhayeenka madaxtooyadda Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in ‘ciidaman loo geeyay Badhan si ay si ay u sugaan amniga degmada iyo guud ahaan Gobolka’.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa ugu baaqay Bulshada magaaladda Badhan iyo guud ahaan Gobolka Sanaag waxaan inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada.