MW Qoorqoor oo la kulmay wefdi sare oo ka socday QM

4

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay wefdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay, kuwaasi uu hogaaminayey Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee QM ee arrimaha Soomaaliya  Ambs James Swan.

Kulanka oo ka dhacay xarruunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka sida;wakiilka Midawga Afrika, iyo wakiillo ka socday EU iyo IGAD.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, doorashooyinka, bini aadanimada iyo xaalada guud ee Galmudug iyo Soomaaliya.