Ciidamo U Diyaar Garoobaya La-Dagaalanka Al-Shabaab Oo Tababar Loo Xiray

6

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa tababar u soo xirey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanka Maamulkaas.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay Munaasabada lagu soo xirayay tababarka ayaa u sheegay Ciidanka cusub inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab, maadaama carbiska uu u dhammaaday.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in looga baahan yahay Ciidamada inay u istaagan Difaaca dalkooda,diintooda iyo dadkooda, isla markaana xusay Ciidankaas loo diyaariyay howlgalo dhacaya deegaanada maamulkaas.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji oo soo xirida tababarka ku wehlinaayay Lafta-gareen ayaa tilmaamay in dowladdo dhowr ah oo ay ka mid tahay UK ay DFS ka codsadeen in laga gacansiiyo tababaradda Ciidanka, taas oo uu sheegay in UK ay ku mahadsantahay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Carabka ku dhuftay inay ka go’an tahay Tayeynta Ciidamada Qalabka Sida,isagoo xusay in uu u hambalyeynayo cutubyada Maanta ku soo biiray CXDS ee Tababarka loo soo xeray.

Gaba-gabadii Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya kate Foster ayaa sheegtay in dowladeeda ay diyaar u tahay ka qeybgalka Tababaridda CXDS ,iyadoo xustay in Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay ku gacansiin doonaan dowladda Federaalka.