Xuseen Carab “MW Farmaajo faragelin ayuu ku hayaa magacaabista guddiyada Waqooyi”

11

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Federaalka iyo wasiiro ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu faragelin ku wado magacaabista guddiga doorashooyin qeybta gobollada Waqooyi.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Xuseen Carrab Ciise oo kamid ah xubnaha xildhibaanada Waqooyi ayaa sheegay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si toos ah u soo farageliyay magacaabista xubnaha guddiga doorashada ee gobollada Waqooyi.

“Waxaa noo soo caddaatay in madaxweynuhu si toos ah u soo fara-geliyay howshii guddiga wasiirada ee Ra’iisul-wasaarahu u xilsaaray in ay kala saaraan xubnihii laga soo dacwooday, ka dib markii uu madaxweynuhu amray in guddiga wasiirada in ay dib ugu soo celiyaan liiska xubnaha Somaliland shaqaale dowladeed” ayuu yiri Xuseen Carab.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday waxaa uu dadaal wayn ugu jiraa in uu gacantiisa ku soo qorto 5-tii xubnood ee ay aheyd in xukumadda ku soo biiriso guddiyada doorashooyinka”.

Heshiiskii ay gaareen madaxda Soomaalida 27-kii bishii May ayaa dhigayay ‘in xubnaha guddiyada doorashooyinka ay soo kala magacaabaan Mahdli Guulleed, Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaare Rooble’.