Maxay ka wadahadleen R/wasaare Rooble, madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Yamamoto?.

6

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,arrimaha doorashooyinka dalka, la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo arimaha bani’aadminimada.

Kulanka ayaa waxa dib uga soo biiray Madaxweynayaasha Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie “ Qoorqoor” , Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Ambasador Jemes Swan.

Sidoo kale Kulankaan waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga iyo saameeynta uu geystay Fatahaada wabiga shabeelle.