Jabuuti oo taageertay xiriirka dib u soo laabtay ee Soomaaliya iyo Kenya

2

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee dib u bilawdey ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ayaa intaa raaciyey in talaabadani ay muhiim u tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka Geeska Africa, iyo sidoo kale howlaha uu wado urur goboleedka IGAD.