Maxay ka wadahadleen guddiga farsamada doorashooyinka iyo qaramada midoobay?.

6

Kooxda Farsamada arrimaha doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta waxaa ay la kulmeen kooxda QM u qaabilsan taageerada doorashooyinka.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu falanqeeyay in si degan ay xafiiska R/wasaare Rooble ugala shaqeeyaan qabsoomida doorasho lagu qanacsan yahay.

Guddiga farsamada doorashooyinka ayaa maalmihii dambe waxaa ay kulamo ka wadeen magaalada Muqdisho.