Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo soo badalay xubinihii guddiga doorashooyinka ee muranka dhaliyay.

3

Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa soo bedelay xubnihii la soo eedeeyay ee ku jiray Guddigii doorashada ee lagu muransanaa.

Maamulka Hirshabelle ayaa afar xubnood ku soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.

Sidoo kale Maamulka Koofur Galbeed ayaa labo xubnood soo bedelay oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal.

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa saddex dowlad goboleed oo aan weli soo magacaabin xubnahooda oo la sugayo, hase yeeshe waxaa hadda harsan oo keliya dowlad goboleedka Galmudug.

Maamulka Jubaland, Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa noqday masuuliyiintii  ugu horeeyay ee soo magacaaba xubanahooda guddiyada doorashada, midaasi oo qeyb ka aheyd fulinta heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho.