Maleeshiyaad hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Buula burde

15

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen saldhiga booliska degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay isku dayeen in ay xoog ku soo furtaan mid ka mid ah kooxda macawiisleyda ee halkaasi ku xirnaa.

Wararka ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka macawiisleyda eek u sugan degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Weriyaha KNN ee gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in ciidamada ammaankaay iska caabiyeen weerarka, isagoona sheegay in ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha degmada Buula burde  ay weerar ku qaadeen saldhiga booliska degmadaasi, inkastoo weli uusan maamulka arrintan ka hadlin.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.

Mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshalle.