DFS oo soo dhaweysay in Kenya ay dib u furto duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi.

6

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso in Kenya ay dib u furtay duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay gudaha dalka imaan karaan diyaaradaha ka soo kicitimayo Kenya, halka kuwa Soomaaliya ka tegayana ay tegi doonaan Kenya.

Afhayeenka ayaa xusay in tani ay xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee labada ee dariska ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada dalka Kenya lagu sheegay inay dib u furtay hawadeeda inay diyaaradaha ka soo duula Soomaaliya ay yimaadaan dalka Kenya, taasi oo ka dambeysay markii ay xiriir wada sameeyeen Wasaarada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wasaarada Arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso go’aanka ay Kenya dib ugu furtay duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in dib u soo celinta xiriirka duulimaadyada labada dal uu wax ka tari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya.