Xasan Shiikh oo si kulul uga hadlay dhalinyarada soomaaliyeed ee ku maqan Eritrea

13

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan  Shiikh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa mar uu ka hadlayay dhallinyarada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan ayaa waxaa uu sheegay in arin aan la aqbali karin ay tahay iyadoo QM xaqiijisay jiritaanka arintaasi hooyooyinka Soomaaliyeed ee wadooyinka Muqdisho ku barooranaya uu hogaanka waqtigu ka dhamaaday iska indho tiro.

Xasan Shiikh  ayaa sheegay in markii horeba aan dhalinyaradan lagu qaadin nidaam sharciga waafaqsan islamarkaana ay dowladdu ka meer meerayso in ay jawaabta saxda ah siiyo waalidiinta ubadkooda ka maqan yihiin.

“Lama aqbali karo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay dowladdu dirtay aan warkooda la heynin. Mas’uuliyiintii howshaas ka dambeeyay waa in ay waalidiinta iyo ummadda Soomaaliyeed u caddeeyaan masiirka carruurta Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Shiikh

Hoggamiyaha xisbiga wadajir ahna musharax madaxweyne, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale maalmo ka hor Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inuu si degdeg ah u soo faro galiyo walaaca laga muujinayo bedqabka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea oo dhowr mar ay cabasho ka muujiyeen waalidiinta dhalay dhalintaas.

Dhawaan ayay aheyd markii  Warbixin uu soo saaray xafiiska Qaramada Midobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadii Soomaaliya ee tababarka ciidan ku qaadanay dalka Eriteriya, ay ka qeyb qaateen dagaalada ka dhacay gobolka Tigray ee dalka itoobiya.