Cumar Finish Oo Tegay Degaan Ay Ku Dagaalameen Booliska Iyo Koox Hubeysan

13

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeer ku tagay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Deegaanka Jaziira ayaa waxaa dagaal kooban uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo ka waday halkaas dhibaateynta Shacabka oo dadka u dalxiiska tegay deegaanka dhac u geysanayay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu laamaha Amniga kaga mahadceliyay sida ay uga dhiidhiyeen in deegaankaasi lagu dhibaateeyo shacabka oo dhac loogu geysto, isaga oo sheegay in aan marnaba la aqbali doonin dhibaateynta Shacabka.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Gobolka ayaa ugu baaqay shacabka qeybahooda kala kala duwan in ay la shaqeeyaan Laamaha ammaanka ee deegaanka Jasiira, si looga guuleysto kooxaha u jooga dhibaateynta shacabka.

Kormeerka uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku tegay Maanta deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka, nabadsugidda iyo kuwa Milatiriga Soomaaliya.