Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda

1

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadhaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar Gacaliye ayaa waxay kulan la qaateen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koobaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar-galinta kiisaska horyaala Maxkamadda waxaana uu Wasiirka Gaashaandhigga xusay in ay ka shaqeyn doonaan tayeynta Shaqaalaha iyo howlwadeenada ka shaqeeya Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.