Shir looga hadlay amniga goobaha lagu qabanayo xuska maalmaha xorriyadda

5

Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xubnaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo & Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay  Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo Cismaan Obokar Dubbe, ayaa looga hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaaxuska Maalmaah Corriyada.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga guud ee dalka, gaar ahaan Caasimadda inta ay socdaan munaasabadah maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa ay ku guda jiraan qaban qaabadii ugu dambeeyeysay ee munaasabada xuska Maalmaha Xorriyada oo maalmo koban ay inaga xigaan.