Al-Shabaab oo sheegay in la wareegeen deegaanka Deeynuunay ee G.Baay

11

Wararka ka imaanaya deegaanka Deeynuunay ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi barqadii maanta in uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada miltiriga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Deeynuunay ee gobolka Baay.

Wariyaha idaacadda Kulmiye ee magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaalka uu soo gaaray barqadii maanta, isla markaasna labada dhinac ay guulo kala sheegayanaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga ayaa sheegay in ay iska difaaceen shabaabkii weerarka ku soo qaaday, isla markaasna ay khasaare gaarsiiyeen.

Al-Shabaab, ayaa dhinacooda sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga ciidamada dowladda ee ay weerareen.

Isgaarsiinta oo go’an owgeed, ma jiraan warar ka madax bannaan labada dhinac oo laga helayo deegaanka Deeynuunay oo hoostaga magaalda Baydhabo ee xarruunta gobolka Baay.