Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Deni Iyo Xubno Ka Tirsan Beesha Caalamka?

4

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa Maanta oo Arbaco waxaa gaaray wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, iyagoona halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdiga ka socda Beesha Caalamka oo uu horkacayay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay bogaadiyeen dardargelinta Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka, kadib markii heshiis laga gaaray, iyadoo la tixgelinayo qoondada Haweenka.

Kulanka waxaa kaloo looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa iyo Tallaalka COVID-19.