RW Rooble oo ku wajahan magaalada Kismaayo

14

Warar ay heshay idaacadda ayaa sheegaya in Maxamed xuseen rooble Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya  maalmaha soo aaddan inuu gaaro magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose.

Wararka ayaa intaa ku daraya in madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku laabanaya todobaadkaan gudihiisa magaalada Kismaayo si halkaa uu ugu soo dhaweeyo Ra’iisulwasaare Rooble kaddib markii uu tago halkaasi.

Safarka Rooble ayaa daaran sida la tilmaamay dhaqan gelinta heshiiska doorashada iyo sidii loo bilaabi lahaa doorashada xildhibaannada.

Maamulka jubbaland ayaa ah halka maamul oo uusan tagin Ra’iisul wasaare Rooble maadaama horay oo uu booqday maamulada Puntland Galmudug Hirshabelle iyo dowlad goboleedka  Koonfir Galbeed.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa hore u balan qaaday in xukumadiisu xooga saari doonto hirgalinta doorasho hufan oo dalka, Iyadoo madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa heshiis rasmi ka wada gaaray arrimaha doorashooyinka oo muran xoogan uu ka taagnaa in muddo ah.