Madaxweynaha Puntland oo ‘digniin’ u diray dad uu ku eedeeyay dhul-boob

13

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsada, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo dhul boob la marsiiyo sharciga.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu daahfuray barnaamijka qorsheynta dhulka caasimadda Garoowe.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta PDRC, ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan ay dowladda hoose ee Garoowe ku faahfaahisay qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.

Madaxweyne Deni ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in nustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka qurux badan dhinac dhisme iyo dhinac kasta, wuxuuna ku baaqay dowladd iyo shacaba in arrintaas laga wada shaqeeyo.