DF oo ku dhawaaqday xiliga dib loo furaayo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

10

Saacado kadib markii Idaacadda ay kulmiye baahisay warbixin si qarsoodi ah loo duubay oo ka hadleysa dhibaatada ay la kulmayaan dadka ku nool iyo kuwa ku safra wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, ayaa dowladda Soomaaliya markii labaad ka hadashay dhibaatooyinka halkaas ka jira.

Shalay taliyaha qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa safar ku tagay isagoo qaaday dhamaan isbaarooyinkii yaalay halkaas islamarkaana laba xaafad min hal jid cade uga  qaaday dhagxaan ay ku goysay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta warbixintii kulmiye ka hadlay  dhibaatooyinka ka jira wadadaas.

Wasiirka howlaha guud ee dib u dhiska Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa dhowr sababood ku sheegay  dib u dhac uu ku yimaado waddadaasi  muhiimka ah ee xiriiirisa magaallada caasimada ah iyo gobolka shabellada hoose.

Wasiirka ayaa tilmaamay furitaanka wadadan uu qorshuhu ahaa bishii Feberaayo, sababta koowaad ee dib udhaca keenay ayuuna ku sheegay sabab la xariirta amni daro darted, Waxaa uu hadalkiisa ku intaas daray in dhismaha wadada ay wali wax ka dhiman yihiin ayna sii xrnaan doonto 60 cisho oo kale.

Dhisamaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa socda muddo badan waxaana howshaasi ay wadeen ku naf waayey shaqaale Turki ah iyo Soomaali isugu jirra ee wadda dhisaya iyo qaar kamid ah ciidamadii ilaalinyey kadib weeraro kooxda shabaab ay ka geesteen halkaas dhowr mar.

Baahintii Idaacadda kulmiye kadib dowladda ayaa ku guulaysaty in ay qaado dhamaan isbaarooyinkii yaalay wadadaas laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.