Puntland oo joojisay in imtixaanka Soomaaliland lagu qaado Sanaag

1

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladd goboleedka Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah joojisay in Imtixaanaadka Somaliland la keeno Gobollada Sanaag.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa lagu amray dhammaan mas’uuliyiinta Sanaag u qaabilsan Puntland, in ay hor-istaagaan Imtixaanaadka Somaliland.

Wasiirka Waxbarashada oo ka soo jeeda Sanaag ayaa saamayn xooggan ku leh Gobolkaas, waxaana lagu xasuustaa in dadaalkii uu geliyay in Ciidamo badan oo Sanaag u dhashay ka soo baxaan Somaliland, islamarkaana ku biiraan Ciidamada Puntland.