Madaxweynaha Faransiiska oo meel fagaaro ah lagu dharbaaxay

10

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu dharbaaxay goob fagaare ah xilli uu safar ku joogay koonfurta bari ee dalkaas, isaga oo ku guda jiray maalintii labaad ee booqasho uu dalka ku marayo.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujiyey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin ka mid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddlekeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya.

Ilaalada Macron ayaa durba so faro-geliyey dhacdadan waxayna xireen laba qof, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

“Ninka isku dyayey inuu dharbaaxo madaxweynaha iyo qof kale ayaa hadda su’aalo la weydiinayaa,” waxaa sidaas bayaan ay soo saareen ku sheegay mas’uuliyiinta gobolka.

Dhacdadan oo ka dhacday xaafadda Tain-l’Hermitage ee gobolka Drome ayaa ka dhigan dayac amni, waxayna mugdi gelisay safarka Macron uu ku bixinayo dalka oo dhan.

“Madaxweynaha wuxuu qiyaastii 1:15 PM kasoo laabtay dugsi sare oo uu booqday, wuxuuna galayey babauurkiisa, hase yeeshee dib ayuu usoo laabtay markii ay shacab u yeereen. Wuxuu kadib u dhaqaaqay inuu la kulmo, kadibna dhacdadan ayaa dhacday,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen mas’uuliyiinta gobolka.

Macron ayaa la filayaa inuu mar labaad u tartamo xilka madaxweynaha ee doorashada dhaceysa sanadka dambe.