QM oo sheegtay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea laga qeyb geliyay dagaalkii ka dhacay Itoobiya

1

Warbixin dheer oo uu diyaariyay guddiga xaquuqda aadanaha ee Q,M ayaa
lagu shegay inay xog ku hayaan in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen
dagaalkii ka dhacay gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya dabayaqaadii
sanadkii hore
Warbixintaan oo si gaar ah qusaysa xaalada bini’aadanimo ee dalka Eritrea
iyo Ethiopia ayaa waxaa qeyb ka mid ah aad looga hadlay doorka ciidamada
Soomaaliya ku lahaayeeen dagaalkii lagu qaaday TPLF,ta
Warbixintaan waxaa lagu sheegay in ciidamo Soomaali ah oo ku jiray xeryo
ay ku tababaranayeen oo Eritrea ku yaala ay ka gudbeen xadka kadibna ay
ka dhinac dagaalameen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea.
Sidoo kale warbixintaan kasoo baxday guddiga xaquuqda aadanaha ee Q,M
waxaa lagu sheegay in dagaalyahano Soomaali ah ay sidoo kale ka
dagaalameen magaalada Aksum la yiraahdo oo Tigreega laga qabsaday
Guddigaan laguma macneyn waxa ay ahaayeen dagaalayahanadaan iyo
cidda ay la safnaayeen.
Guddiga warbixintaan diyaarshay waxay sheegeen in guddiga arrimaha
dibbadda baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan baritaan ku saabsan wax ka
jira in ciidamo Soomaali ah ka dagaalameen dalka Ethiopia.
Dawladaha Soomaliya, Itoobiya iyo Eritrea waa ay beeniyeen in ciidamo
Soomaali ah oo tababar ahaan u jooga dalka Eritrea ay dagaal galeen.
Waalidiin Soomaali oo aad uga walaacsan caruurtooda oo Eritrea loo qaaday
ayaa waayahaanba dhigayay banaanbaxyo ay dawladda uga codsanayaan
inay akhbaar ka siiso laakiin willi dawladooda jawaab kama hayaan