Cabdiraxmaan C/Shakuur oo si kulul uga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee laga qeyb galiyey dagaalkii ka dhacay G/Tigray.

8

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu uga hadlay warbixintii Qaramada Midoobay ee cadaysay in dhalinyaradii Eritrea loo qaaday lagu arkay goobaha dagaaalka ee Gobolka Tigray.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin dhalinyaro soomaali ah in loo adeegsado dagaalka ay dowladda Itoobiya la gashay kooxda TPLF.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa R/wasaare Rooble ka dalbaday inuu la kulmo waalidiinta cabanaya, islamarkaana uu jawaab rasmi ah ka bixiyo warbixinta ka soo baxday qaramada Midoobey.

Hore ayaa qaar kamid ah waalidiinta ay dowladda Soomaaliya askarisay caruurtooda waxay ugu baaqeen in meel loogu sheego caruurtooda inkastoo DF ay dhankeeda sheegtay in dhalinyaradaas yihiin kuwa nabad qaba dowladana ay ka war qabto.