Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Magacaabay Guddoomiye Cusub

5

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta oo Isniin ah Guddoomiye cusub u magacaabay Gudigga qoxootiga iyo Barakacayaasha.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Gudigga qoxootiga iyo Barakacayaasha loogu magacaabay inuu noqdo Eng Cabdi Xuseen Maxamed.

Sababta keentay magacaabista Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo in xal waara loo helo Arrimaha qoxootiga iyo Barakacayaasha ku sugan deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa magacaabista Guddoomiye Eng Cabdi Xuseen Maxamed la tashi kala sameeyay Madaxweyne ku-xigeenada dowlad Goboleedka Jubbaland, sida ku Cad wareegtada lasoo saaray.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee lasoo saaray.