Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Lala Eegtay Weerar Khasaaro Dhaliyey

4

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarkaas oo dhabba-gal ahaa ku qaaday Ciidanka Uganda, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buula-mareer, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, isla markaana waxaa la sheegay inay ku dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Uganda, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab warar barahooda dhinaca qadka ay ku qoreen ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar dhabba-gal ah ay la beegsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayna ku dileen Askari, tirro kalena ay ku dhaawaceen.

Sidoo kale shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in Ciidamo kale oo AMISOM ah ay qaraxyo Miinooyin kula eegteen deegaanka Lambar60 ee duleedka magaalada Marka ee Shabeellaha Hoose, isla markaana ay ku gubeen gaari xamuul ah.

Si kastaba Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMSIOM ayaa waxaa dhowr mar oo hore sidaan oo kale qaraxyo iyo weeraro ay Al-shabaab ugala eegteen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.