Ciidamada Xoogga oo howlgal ka sameeyey G/Hoose

16

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgalo waxa ay ka sameeyeen gobolka Sh/Hoose kuwaas oo qeyb ka ahaa howlgalada ay sameeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ururka 4 aad ee guutada 16aad ee Ciidanka Kumandooska danab ayaa ka hawlgalkan si gaar ah uga  sameeyey deegaanka Cali Boorow ee gobalka shabeelaha hoose.

Howlgalkan ayaa intii uu socday waxay ciidamada xoogga dalka ku soo qabteen Rag ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab kuwaas oo ay sheegeen in ay qaabilsanaayeen dhanka Ururinta lacag ay ugu magac dareen sakawaad taas oo ay ka qaadan bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalladan ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dagaalka ay ciidamada dowladda kula jiraan AL-shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanada AL-shabaab ayaa dhawaan waxa uu dagaal ku dhex maray deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka shabellda dhexe, Dagaalkaas ayey ciidamada xoogga sheegeen in lagu dilay ku dhawaad 100 dagaalame oo ka tirsan AL-shabaab.