Jubbaland oo si adag ugu hadashay duqeynta ay Kenya ka geysteen Gedo

12

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar qabsooma islamarkaana looga hadlo xaaladda Amniga guud ee deegaannada Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee qaybta ka ah golaha Amniga, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland, kuwa Xooga Dalka iyo ciidamada qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Waxaana kulanka diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Xoojinta la dagaallanka Al-Shabaab, Xoreynta Gobolka Jubbadda dhexe iyo deegaanada kale ee ka maqan gacanta Dowladda Jubbaland iyo udiyaar garowga sugidda Amniga doorashooyinka dalka qaybta kaga aaddan Jubbaland.

Waxaa sidoo kale shirka aad loogu cambareeyay duqaymihii kadhacay deegaanka ceelcade iyo deegaanno hoostaga Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaa oo ay ku wax yeeloobeen dad Shacab ah oo halkaas kudhaqan iyo hantidooda, waxayna dowladda dhexe ugu baaqeen in ay arinkaasi wax ka qabato.