Wasiirka Amniga Jubbaland oo DF ugu baaqay in Baaritaan lagu sameeyo Duqaymaha Kenya Ka Geesatay G/Gedo

5

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sida adag uga hadashay duqeymihii ay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ay dhawaan ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Gedo kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad ubadan shacab oo halkaas ku dhaqan.

Duqeymahaas ay diyaaradaha Kenya ka geysteen gobolka Gedo ayaa waxaa cambaareysay wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo si gaar ah uga dhacay tuulooyin u dhow degmada Ceelwaaw iyo degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo

Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumal oo ka hadlay duqaymahaas ay dad shacab ah ku wax yeelloobeen ayaa ka tacsiyadeeynayey.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu baaritaan dheeraad ah ku haayo sida ay wax u dhaceen islamarkaana dowladda Soomaaliya iyadana looga baahan yahay in ay dabagal weyn ku sameeyso arintaas.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Maamulka  Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan ( Dhuumal) ayaa sheegay in Jubbaland ay diyar u yahay in dalka meelaha ay ka joogaan dagaalamayaasha Al-Shabaab laga saaro, balse ay muhiim tahay in la xaqdhowro dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada ay inta badan ka dhacaan howlgalada dhanka cirka ah.

Dadkii uu dhaawaca kasoo gaaray duqeymahaas ayaa waxaa la keenay magaalada Muqdisho kuwaas oo u badnaa caruur yar yar, Iyadoona dowladda Soomaaliya iyo madaxda AMISOM ay si adag u cambaareeyeen falkaas ay geesten ciidamada kenya.