Dowladda Somalia Iyo Imaaraadka Oo Kala Saxiixday Heshiis Is-Afgarad Ah

8

Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka ee loo soo gaabiyo (UAE FIU) ayaa waxaa ay heshiis Is-faham (MoUs) kala saxixideen Xarunta Warbixinta Maaliyadda ee Somalia (FRC).

Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa heshiiskaan isaga kaashan doona La-dagaalanka Dembiyadda Maaliyadeed, Lacagaha la dhaqo iyo Dhaqaalaha loo xawilo waxa ay ugu yeeraan Kooxaha Argagixisada.

Sida aynu ka soo xiganay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxaa Heshiiskaasi Is-Faham wada saxiixay Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka (UAE FIU), Cali Fasal Ba Calaawi, halka ay Somalia u saxixiday gaasimaha Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC), Aamina Cali.

Si kastaba heshiiskaan ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyop Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo weli xun yahay xiriirka ka dhexeeya labada dowladooda.