Qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay duqeynta Kenya ay ka fuliyeen Gedo oo la keenay Muqdisho

12

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la keenay qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay duqeyn ay ciidamada Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Dadka dhaawaca ah ee la keenay Magaalada Muqdisho ayaa u badan caruur, kuwaasi oo ku dhaawacmay duqeynta ay diyaaradaha Kenya ka geysteen  deegaanka Ceelcade, iyadoona ku dhawaad lix caruur ah la keenay Magaalada Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya Aadan Xuseen Gureey oo kamid ahaa Mas’uuliyiintii Garoonka kusoo dhaweeyay dhaawacyada ayaa sheegay in Carruurtaan dowladda Kenya ay Guryahooda ku duqeysay, iyada oo ku marmar siyooneysa inay ka tirsan tahay AMISOM.