QM oo sheegtay in malaayiin Soomaali ah ay wajahayaan cuno yari ba’an

12

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska isku duwida howlaha binu aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in kabadan laba milyan iyo toddobo boqol oo ruux oo ku nool gudaha Soomaaliya, in ay wajahayaan abaar iyo cunno yaraan ba’an.

Xafiiska ayaa sheegay in Roobabkii Gu’ga ee sannadlaha ahaa ee horaantii gu’ga ayaa xilli dambe ka da’ayay qaybo ka mid ah dalka oo inta badan ka hooseeya celcelis ahaan, isla markaasna ay sababeen fatahaado.

“Qiyaastii 2.73 milyan illaa 2.83 milyan oo qof oo ku baahsan Soomaaliya ayaa la filayaa inay la kulmaan dhibaato … ama natiijooyin ka sii xun inta u dhexeysa Abriil iyo Sebtember 2021, taasoo ka tarjumeysa xaaladda sugnaanta cuntada ee sii xumaaneysa ee dalka,” ayuu yiri xafiiska.

Dowladda, oo la tashanaysa Qaramada Midoobay, ayaa 25-kii Abriil ku dhawaaqday abaar. Xaalado abaar oo dhexdhexaad ama daran ah ayaa saameeyay in kabadan 80 boqolkiiba dalka.

Dhowr maalmood ka dib, roobabkii Gu’ga ayaa ka billowday, laakiin kaliya qaybo ka mid ah dalka, oo kiciyay wabiyada iyo daadad daadad wata oo saameeyay 400,000 oo qof, kuwaas oo 101,300 ka mid ahi ay barokaceen, OCHA ayaa sidaas tidhi.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in Qorshaha Kajawaabida Bani’aadanimada Soomaaliya ee 2021 wuxuu ubaahan yahay 1.09 bilyan oo doolarka Mareykanka ah si loogu caawiyo 4 milyan oo qof laakiin hada waxaa kaliya la maalgaliyay 20 boqolkiiba.